Dowladdu waxay beddelaysaa sharciga si ay New Zealand uga ilaaliso faragelinta shisheeye The Government is changing the law to protect New Zealand from foreign interference

Waxaad fikradaada ka dhiiban kartaa isbedelkan. Macluumaadka hoose ayaa sharxaya waxa ay dowladdu qabato iyo sida aad uga qayb qaadan karto.

Waxaad fikradaada ka dhiiban kartaa isbedelkan.

Macluumaadka hoose ayaa sharxaya waxa ay dowladdu qabato iyo sida aad uga qayb qaadan karto.

 

Maxaa dhacaya?

Dowladdu waxay xoojinaysaa sharciga dembiyada si ay uga caawiso Booliska iyo hay'adaha kale inay ka jawaabaan faragelinta shiisheeye.

Isbeddeladan waxa lagu sameeynayaa sharciga wax ka beddelka Dembiyada (ka-hortagga faragelinta shiisheeye).

Hindise sharciyeedka waxaa eegaya guddiga cadaaladda ee baarlamaanka. Guddigu wuxuu soo jeedin doonaa talooyin ku saabsan sida sharciga loo hagaajin karo ka hor inta uusan sharci noqon.

 

Waa maxay faragelinta shisheeye?

Faragelinta shisheeye waa marka ay dowlad shiisheeye isku daydo in ay farageliso bulshada New Zealand si qarsoodi ah, jujuub, ama hab aan daacad ahayn. Hawshani waxay dhib ku tahay New Zealand iyo bulshooyinkayada.

Faragelinta shiisheeye waxay saameyn kartaa dalka oo dhan. Tusaale ahaan, waxay saamayn kartaa amniga qaranka, dhaqaalaha, doorashadeena, ama go'aamada dawladda.

Faragelintu waxay sidoo kale saameyn kartaa shakhsiyaadka iyo bulshada. Waxqabadyadu waxay dadka ka dhigi karaan inay dareemaan ammaan-darro ama ka cabsadaan inay wax sameeyaan ama ay wax sheegaan sababta oo ah waxa ay dawlad shiisheeye ku samayn karto iyaga ama qoysaskooda. Tani maaha wax caadi ah sababtoo ah sharciyadeena ayaa dadka siinaya xuquuq iyo xoriyad, dowladaha shiisheeye waa inaysan isku dayin inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa dadka halkan.

 

Sidee sharciga loo bedelayaa?

Faragelinta shiisheeye ee waddan kasta oo ka dhan ah New Zealand waa wax aan la aqbali karin.

Dembiyda cusub waxay ka dhigi doonaan faragelinta shiisheeye sharci darro ah. Kuwani waxay noqon doonaan qaar ka mid ah dembiyada ugu cuslaa ee New Zealand. Dembiyada jira sidoo kale waa la beddelaa si loo ilaaliyo macluumaadka xasaasiga ah ee dawladda.

Isbeddelladani waxay ka dhigan yihiin in dadka falalka waxyeellada u geysta dawlad shiisheeye la joojin karo laguna ciqaabi karo sharcigayaga dembiyada.

 

Sideen fikradayda uga dhiiban karaa?

Guddiga cadaaladda ee baarlamaanka ayaa ka codsanaya xubnaha bulshada inay la wadaagaan ra'yigooda sharciga iyagoo "ku baaqaya in la soo gudbiyo". Tani waxay dhacdaa dhowr maalmood oo go'an marka Guddigu uu tixgelinayo sharciga.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sharciga iyo sida loo soo gudbiyo waxaa laga heli karaa onlayn at: https://bills.parliament.nz/v/6/5c7f002d-e4b4-4573-5563-08dd042d0cd2?Tab=history

Guddigu wuxuu caadiyan soo gudbinta u soo bandhigaa dadweynaha mareegta Baarlamaanka. Kahor intaadan gudbin, waxaad waydiisan kartaa Guddiga inay qariyaan soo gudbintaada haddii aadan rabin inay noqoto mid guud. Guddigu waxay u baahan doonaan inay ku heshiiyaan ka hor inta adan soo gudbin soo gudbintaada.

Websaydka Wasaaradda Cadaaladda ayaa sidoo kale waxaa ku jira macluumaad ku saabsan faragelinta shiisheeye, Hindise sharciyeedka, iyo sida aad uga warbixin karto faragelinta shiisheeye ee hay'adaha Dowladda. Tan waxa laga heli karaa qaybta “La-dagaalanka Faragelinta Shiisheeye” ee bogga Mareegaha Hindisaha Muhiimka ah ee Wasaaradda: https://www.justice.govt.nz/justice-sector-policy/key-initiatives/countering-foreign-interference

 

Dajiso macluumaadkan

Last modified: