Boggaan
Bulshooyinka Qowmiyadaha New Zealand maaha inay u dulqaataan faragelinta shisheeye. Waxaad ka warbixin kartaa faragelinta shiisheeye adigoo isticmaalaya doorashooyinka hoose.
Xaalad degdeg ah
Haddii ay hadda dhacdo, wac 111 oo codso Booliiska.
Haddii aadan hadli karin aad oo aad ku jirto khadka taleefanka gacanta, aamus oo dhegayso isla markiiba 'riix 55'.
Haddi aanad hadli karin oo aad ku jirto talefanka guryaha, iska aamus oo dhegayso hawlwadeenka oo kuu sheegi doona inaad riixdo badhan kasta oo caawimo ah.
Ka warbixinta faragelinta shisheeya
Dhammaanteen waxaan gacan ka geysan karnaa in New Zealand laga ilaaliyo faragelinta shiisheeye annagoo u sheegayna NZSIS ama Booliiska. Si kasta oo aad doorato, waxay hubin doonaan in macluumaadkaagu uu gaaro meesha saxda ah.
U soo sheeg faragelinta shiisheeye NZSIS
Waxaad ku soo wargelin kartaa faragelinta shiisheeye adigoo isticmaalaya foomka khadka tooska ah ee shabakada NZSIS.
Uma baahnid inaad bixiso macluumaadkaaga shakhsiga ah sida magacaaga, lambarka taleefankaaga, ama faahfaahinta xiriirka haddii aadan rabin. Waxaad sidoo kale ku buuxin kartaa foomka luqadaada.
Haddii aad rabto inaad qof kula hadasho NZSIS, waad wici kartaa +64 4472 6170 ama 0800 747 224.
Marka NZSIS ay aragto warbixintaada, way hubin doonaan. Haddii aad ka tagto faahfaahinta xiriirkaaga, NZSIS waxay kula soo xiriiri doontaa kaliya haddii ay u baahan yihiin macluumaad dheeraad ah. Haddii NZSIS aysan kula soo xiriirin, macnaheedu maaha inay iska indhatireen warbixintaada.
U sheeg faragelinta shiisheeye booliiska
Haddii aysan ahayn xaalad degdeg ah, waxaad kala xiriiri kartaa Booliiska:
- adiga oo isticmaalaya foomka online-ka ah ee 105
- ka wac 105 mobile ama landline, adeegani waa bilaash waana la heli karaa 24/7 dalka oo dhan.
Foomka 105 wuxuu ku weydiinayaa qaar ka mid ah macluumaadkaaga khaaska ah si ay uga caawiyaan booliiska hab-socodka warbixintaada oo ay kula socdaan. Booliisku waxay macluumaadkan u adeegsadaan ujeeddooyin la oggol yahay oo keliya.